MW Deni oo eedeyn culus u jeediyay Dowladda FS
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyay in ay gobolka Mudug ka hurinayso colaad salka ku haysa muran dhulleed.
Isagoo ka jawaabayay Madaxweyne Deni khariirad la sheegay in ay adeegsatay dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo waqooyiga gobolka Mudug ku calaamadisay degaanno lagu muransan yahay.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay colaad ku dhisan muran dhuleed oo dhexmarta Puntland iyo Galmudug ay ka hurinayso gobolka Mudug, si ay halkaasi dagaallo uga riddo.
“Gobolka Mudug laguma muransana uma dulqaadan karno waxa ay waddo Dowladda Federaalku, Galmudug iyo Puntland dagaal kama dhexeeyo, qaybtada Mudugna laguma muransana” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Dhanka kale, Waxaa Deni uu soo hadal qaaday arrimaha Shidaalka dalka waxaana uu saluug ka muujiyay qaabka dowladda federaalku u wajahayso qodista Shidaalka.
Hadalka Madaxweynaha Puntland oo uu ka jeediyay Kal-fadhiga 55aad ee Baarlamaanka Puntland ayaa imaanaya xilli saaka baraha bulshada lagu faafiyay khariiraddaasi muujinaysa muran dhuleedka.
Shabakadda GalmudugMirror
Garoowe, Puntland