XOGTA: Itoobiyaan badan oo lagu xir-xiray Caabudwaaq
Wararka naga soo gaaraya waqooyiga gobolkani Galgaduud gaar ahaan magaalada Caabudwaaq ayaa sheegaya in maanta Itoobiyaankii ugu badnaa lagu xir-xiray, kaddib howlgal ay ciidamada ammaanka ka sameeyeen gudaha degmadaasi.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa laga dhex arkayay Itoobiyaan badan oo ay xabsiga u sii wadaan ciidamada ammaanka ee degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolkani Galgaduud.
Dadka la xir-xiray ayaa isugu jiro Amxaaro iyo Oromo kasoo jeeda dalka Itoobiya, kuwaasoo ka soo tallaabay xadka Galgaduud ay la wadaagto Itoobiya muddooyinkii dambena lagu arkayay degmooyin dhowr ah oo ka tirsan Galmudug.
Oromada iyo Amxaarada lasoo aruuriyay ayaa lagu eedeeyay in ay biraha ka baxayaan magaalooyinka waa weyn, heer ay gaareen inay biraha kala baxaan qabuuraha, kaddibna ay suuqyada ka iibsanayaan taas oo keentay cabasho ay ka muujiyeen dadka deegaanka.
Illaa iyo iminka ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo mas’uuliyiinta maamulka Galmuudg oo ku aadan ajaaniibtaasi gacanta lagu so dhigay.
Dhowaan ayay ahayd markii magaalada Guriceel lagu dilay laba nin oo Itoobiyaan ah, kaddib markii uu rasaas ku furay nin ku labisnaa dareenka ciidamada oo goobta ka baxsaday.
Horay ayaa la sheegay in loogu digay Oromada ku sugan deegaannada maamulka Galmudug, waxaana hanjabaadyo ay kala kulmayeen maleeshiyaad deegaanka ah.
Shabakadda GalmudugMirror
Dhuusamareeb, Galmudug