Deg Deg: Gudoomiyihii hore degmada dharkinley Tifow oo Shabaabnimo loo soo xiray iyo warar soo baxa…

0
35

Muqdisho (Galmudug mirror) – Ciidamada Sirdoonka Soomaaliya ayaa maanta soo xiray guddoomiyihii hore ee degmada Dharkenley  ee gobolka banaadir Abuukar Axmed Caddow Tifoow oo loo haysto eed la xariirta ka mid ahaanshaha Al-Shabaabnimo, kaas oo ay in muddo ah ay ku raadjoogeen ciidamada Sirdoonka Soomaaliya.

NISA ayaa soo saaratay warsaxaafadeed ay ku  sheegtay in ninkan oo xilal kala duwan kasoo qabtay gobolka Banaadir uu ka tirsanaa Al-Shabaab, muddana uu ku dhex dhuumaaleysanay gudaha hay’adaha dowlada soomaaliya , Nisa ayaa sheegtay in gudoomiye tifow uu Alshabaab uu mudo badan ka tirsanaa.

 “Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa gacanta ku dhigtay Guddoomiyihii hore ee degmada Dharkenlay Abuukar Axmed Caddow Tifoow oo ka tirsanaa Khawaarijta kaas oo in muddo ah ku dhex dhuumanayay Hay’addaha Dowladda” ayaa lagu yiri qoraalka.

NISA ayaa sidoo kale  sheegtay in Abuukar uu Al-Shabaab ku biiray intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2014, isla markaana uu tababar Sirdoon oo qarsoodi ah ku soo qaatay kusoo qaatay magaalada Baraawe gobolka shabeelada hoose.

Laxariirta

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inuu kooxda u gudbin jiray xogta saraakiisha iyo wax ka socda xafiisyada hay’adaha dowladda Soomaaliya ku saabsan sidoo kalana waxa uu ka qeybqadan jiray dhagrida shaqaalaha , saraakiisha dowlada iyo dhaqanka soomaaliyeed iyadoona aan intaas la tuhmin madaama uu ahaa gudoomiya degmo sidoo kalana uu xilal kala duwan ka qabtay gobolka banaadir.

Wixii Faah faahin ah oo ka soo kordha wararka Tifow Nala soco

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here