Wisil (Galmudug mirror) – Ciidamada xoogga dalka, daraawiishta Galmudug iyo xoogaggii dib u xoreynta shacabka ayaa gabi ahaanba isaga baxay deegaano rag badani ay ku dhinteen iyo waqti intabadan loogana xoreeyay cadawga Alshaab koonfurta gobolka Mudug, gaar ahaan degmooyinka Camaara iyo Bacaadweyne iyo deegaano farabadan oo hoostaga deegaanadaan waa weyn.
Ka bixintaanka ciidamadaan ayaa walaac xoogan ka abuurtay guud ahaan deegaanka iyo halgankii lagula jiray cadawga Alshabaab, laguna soo jiray mudooyinkii ugu danbeeyay , waxayna dad badan ka niyad jabeen sida ay wax u socdaan, eedda ugu badan waxay dul hoganeysaa taliska ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed madaama masuuliyada koowaad ay ku dhaceyso dowlada.
Maanta furinta ugu dambeysa ee askari Soomaaliyeed uu difaac uga jiro waa degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud iyo degmada Wisil ee gobolka Mudug iyo magaalada xarar dheere ciidan u badan kuwii lagu soo tababaray dalka Eritrea oo dhawaan la geeyey halkaas iyo guutada Abuu-dujaana ayaa baneeyey deegaanadaas.
Lama oga sababta ka danbeeysa in ciidamada ay baneeyaan goobaha dagaalka balse arintaan ayaa ku soo aadeysa xili uu ku dhintay deegaanka mid ka mid taliyaasha ciidamada ayna dileen ciidamo ka tirsan kuwa dowlada.
Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu soo waramayaa in uu ku wajahanyahay magaalada Wasil Baxdo iyo deegaanada haatan cadwga uu qabsaday isagoona halkaas kula kulmi doona saraakiisha ciidamada iyo kuwa deegaanka.