Xildhibaanno ka tirsan BF oo Muqdisho uga dhowaaqay ‘kudlad cusub
Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho uga dhowaaqay kudlad cusub, Kudladaan cusub oo lagu magacaabo “Kudlada Midnimo Qaran” ayaa Xildhibaannada ku midoobay waxay sheegeen in ujeedkooda uu yahay in ay ka shaqeeyaan midnimada bulshada Soomaaliyeed guud ahaan meelkasta ay joogaan.
“kutladaan ayaa u badan xildhibaano dhalinyaro ah waxa ayna sheegeen in ay yihiin kutllo intabadan ka shaqeyndoonta midnimada shacabka soomaaliyeed.
Xildhibaan jeego oo ah gudoomiyaha kutladaan ayaa sheegay in ay u midoobeen sidii qarankan soomaaliyeed loo badbaadn lahaa loogana shaqeyn lahaa midnimada iyo horinta shacabka soomaaliyeed , waxa uuna ugu baaqay dhammaan dadka daneeya siyaasada soomaaliya in aysan u fahmin kutladaan mid lagu dhibaateynayo qolo gaar ah balse ay tahay mid cidkasta oo soo maaliyeed ay ku soo biiri karto aragti iyo wada shaqeyn intaba.
Arintaan oo kale maahan mid ugub ku ah dalkeena balse horay ayaa loo soo arkay dhacdooyinkan baarlamaanigaa waxaana lagu arki jiray iyadoo lagu dhibaateeyo horu u socdaka baarlmaanka iyo shaqada dowlada.