Madaxweyne Qoor Qoor oo ku wajahan Wisil iyo ciidamada dowlada oo ku laabanaya goobihii…

0
31

Madaxweynhaa Dowlada Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor Qoor ayaa ku wajahan Magaalada Wisil ee gobolka Mudug halkaas oo ay ku suganyihiin Ciidamadii dhawaan islkaga baxay deegaanada Camaaro iyo Bacaadweyne ee gobolka mudug.

Madaxweynaha ayaa lagu soo waramayaa in uu halkaas kula kulmi doono hogaanka ciidamada xooga Daraawiishta Galmudug iyo Xoogaga deegaanka iyadona uu madaxweynuhu markale uu dib u abaabuli doona sidii Marka kale loo qabsan lahaa deegaanada ay haatan la wareegeen Kooxda Alshaab .

Dhowr jeer ayaa sidaa noo kale dhacday iyadoona laga soo baxay magaalooyin waqtibadan iyo dhiig badan lagu bixiyay lagana xoreeyay Alshabaab.

Wararka aynu ka heleyno deegaanada ay haatan la wareegeen Khawaarijka Alshaab ayaa ku soo aadeytsa xili ciidamada dowlada ay ka cabanayaan garab istaaga dowlada ayna sheegeen in ay waayeen dalabyo badan oo loo gudbiyay  dowlada soomaaliya .

Madaxweynka Qoor Qoor ayaa xiligan ah masuulka kaliya ee u istaagay sidii ciidamadaasi loogu celin lahaa goobihii cadwga laga gacan maroojiyay  ayna suurta gal ahayn in alshaab loo soomaneeyo goobihii kudo ka hor laga saaray.

Booqashada Madaxweynaha ayaa ku soo beegmeysa iyadoo sanadkii tagay sidaan oo kale uu booqday furinta hore ee dagaalkan ay Alshabaab isku dayeen in ay weeraraan balse alle ka badbaadiyay wallow ay halkaas ku dhinteen ciidamo ilaalo u ahaa madaxweynaha Galmudug.

Dadka ku nool gobolka mudug gaar haaan deegaanada uu haatan ka socda gulufka dagaalka ayaa waxa ay walaac xoogan ka muujinayaan sida ay wax u socdaan iyagoona sheegaya in aysan wanaagsaneyn waxa ay arkayaan iyo hab dhaqanka ciidamada dowlada iyagoona ku baaqay in laga hortago cadawga umada soomaaliyeed.

Laxariirta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here