Dr Shaafi Maxamed Haldoor waxa uu tusaale u yahay naafannimadu in aysan caqabad ku noqon karin hibada qofka…..

0
34

Dr Shaafi ayaa maanta xaruntiisa waxa uu ku soo dhaweeyay Hal abuur Maxamed Muuse Haldoor oo ah wariye qoraa soomaaliyeed oo ah naafo isla markaana qoray buuk uu kaga hadlayo halgankiisii nolosha , Maxamed haldoor ayaa waxa ka soo jeedaa gobolada waqooyi soomaaliland isagoona magaalada muqdisho ugu yimid in shacabka soomaaliyeed ay caafimaadkiisa u gurmadaan.

Dr shaafi ayaa soo dhaweynta Maxamed Haldoor ka yiri sidan tan“Waxaa Maanta Isbitaalka igu soo booqday Maxamed Muuse (Maxamed Haldoor) oo ah qoraa dhawaan Muqdisho kusoo bandhigay buuggiisa Hadhiwaa ,waxaana ka gudoomay buugga uu qorey oo macno badan Xambaarsan.

Maxamed Haldoor waan ku bogaadinayaa in uu qoray Buuggaan oo uu uga hadlayo halgankiisa Nololeed. Waxa uuna Tusaale u yahay naafannimadu in aysan caqabad ku noqon karin hibada, hal-abuurka, iyo horumarka qofka”

Maxamed haldoor ayaa waxa uu tusaale u yahay in dhalinyaro badan oo naafo ah ay kor isu qaadaan aysana ka quusaha halganka nolasha ayna isku dayaan in ay maskax dooda ka shaqeysiiyaan ayna la yimadaan hal abuuryo si ay u helaan taageerada shacabka naxariista badan ee soomaaliyeed.

Maxamed Haldoor dowlada soomaaliya gaar ahaan maamulka gobolka banaadir ayaa balan qaaday in caafimaadka haldoor meelkasta uu lagalo ay bixinayaa halka wasaaradda arimaha gudaha soomaaliya ay qaadatay in nooliga haldoor sidoo kalana shaqo siin doonto hadii uu soo caafimaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here