Golaha wasiirada Soomaaliya oo maanta ansixiyay magacaabista golaha warbaahinta qaranka
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyay magacaabista Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed oo ka kooban sagaal xubnood.
Xubanaha guddiga oo ay golaha u soo jeedisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, ayaa kala ah;
1. C/raxmaan Maxamed Aadan (Koronto)
2. Maxamed Shiil Xasan Shiil
3. Muna Cumar Xasan
4. Yuusuf Xasan Mursal.
5. Axmed Maxamed Cabdi
6. Maxamed Cabdullaahi Kooshin
7. Hinda Daahir Jaamac
8. Cabdulqaadir Cusmaan Cabdisalaan
9. Fatuma Yuusuf Saciid
Gudigaan ayaa waxaa loo xilsaaray ilaalinta iyo dhowrista qayimka warbaahinta soomaaliyeed