Weerarkii hotel SYL oo u muuqda mid la fududeeyay
Muqdisho ( Galmudug Mirror)– Weerarka saacado farabadan qaatay oo ilaa xalay ka socday gudaha hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa waxaa ka soo baxaya warar kalala duwan.
Weerarkan ayaa inta badan dadka ku nool magaalada muqdisho waxa uu ku noqday mid argagax leh kadib markii gaari nuuciisu yahay qooqan isla markaana ay saarnaayeen ciidan hubeysan uu ka soo gudbay wadada sayidka isla markaana lagau weeray hotelka SYL oo ku yaala Ka soo horjeedka xeyndaabka madaxtooyada soomaaliya.
Inta la hubo wadadaas lagama soo gudbo ilaa qofka gaariga wato uu la yimaado cadeymo ama damiin uu soo gudbiyo qof kale oo masuul dowlada ka tirsan gaar ahaan hay’adaha amaanka magaalada muqdisho.
Wararka tuhunka ayaa soo xoogeysanaya madaama gaariga iyo raga weerarka geystay ay ka soo gudbeen jekboontiga Madaxtooyada laga waardiyeeyo, ka dibna gaariga oo ay ku xirnaayeen walxaha qarxa uu ku qarxay irida hore ee hotelka SYL ka dibna ay rag hubeysan gudaha u galeen Hotelka SYL.
Wixii ka soo kordha wararka xaalada guud ee hotel SYL
Galmudug mirror