Ciidamada huwanta ah ayaa hawlgallo culus ka wada degaanno ka tirsan koonfurta gobolka Mudug.
Hawlgallada ayaa ka soconaya degaanno hoostaga magaalada dekadda leh ee Xarardheere, kaddib markii ay ku yar dhowaadeen dagaallamayaasha Alshabaab.
Sida ay sheegayaan wararka shakabadda GalmudugMirror ay ka heleyso Xarardheere, ciidamada huwanta ayaa hawlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka degmadaasi, kaasoo ay ku beegsadeen Alshabaab.
“Ciidamada qaranka iyo kuwa macawisleyda ayaa jidka u galay kooxda Alshabaab oo ku safraysay degaanno hoostaga Xarardheere” ayay yiraahdeen saraakiil amni.
Sidoo kale, maamulka degmada Xarardheere oo hawlgalka xaqiijiyay ayaa tilmaamay in ciidamadu weli ay ku raadjoogaan firxadka argagixisada Alshabaab.
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa difaaca degaanka ayaa hawlgallada ay wadaan ujeedkooda lagu sheegay sidii ay dib isugu ballaarin lahaayeen degaanno dhowr ah oo dhowaan ciidamadu ay dib kaga soo baxeen.
GalmudugMirror
Dhuusamareeb, Galmudug