MW Deni oo magacaabay guddi cusub xilli Puntland ay gashay xasarad…

0
30

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa isagoo ka duulaya barnaamijka wax-qabadka xukuumadda ee Hormarinta Wax-soo-saarka iyo kobcinta Dhaqaalaha, wuxuu xubnaha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin u magacaabay Guddiga dardargelinta Ganacisga Puntland.

Magacyada Xubnaha Guddiga:

1. Wasiir. Maxamed Faarax Maxamuud Guddoomiye

2. Wasiir. Cumar Cabdisamad Yuusuf (Dhuux) Xubin

3. Wasiir. Shaakir Maxamed Guuleed Xubin

4. Wasiir. Axmed Shire Siciid Xubin

5. Mudane. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad  Xubin

6. Mudane. Dr. Carshe Maxamed Siciid  Xubin

Waajibaadka Guddiga:

1. Qiimeynta iyo ka talo bixinta dib u habeynta iyo tayeysiinta Maxjarada Xoolaha ee Puntland si kor loogu qaado dhoofka Xoolaha nool.

2. Qiimeynta iyo ka talo bixinta horumarinta kaabayaasha ganacsiga sida Dekadaha iyo Kastamyada kale.

3. Qiimeynta iyo sare u qaadista ganacsiga Puntland kala dhexeeya deegaanada Soomaalida kale iyo Dowladaha Deriska ah.

Haddaba, xubnaha gudiga waxaa la farayaa in ay waajibaadka loo igmaday u gutaan si masuuliyadu ku dheehantahay, islamarkaana shaqadooda ku soo dhammeeyaan muddo 2 bilood gudahood ah.

Magacaabista guddigani ayaa imaanaysa xilli Puntland ay wajahayso dhaqaale xumo aad u liidato oo saamaysay shaqadii hay’adda dowladda.

-DHAMMAAD-

GalmudugMirror

Puntland, Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here