Wasiirka koobaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey amniga guud ee dalka, ciribtirka Khawaarijta iyo sidii loo sii adkeyn lahaa ammaanka caasimadda.
Shirka waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga, Ku-simaha Wasiirka Amniga Gudaha, Talisyada Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska iyo Nabad Sugidda, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho.
Isu yeeritaanka madaxda hay’adaha amniga DF oo ah mid xasaasi ah ayaa aad la isugu xog wareystay ayaa ku soo aaday iyadoo habeen ka hor afaafka hore ee madaxtooyada ay Shabaab soo galeen saacado badana ay ka dagaalamayeen.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga, gaar ahaan xilligaan lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan oo kooxaha Khawaarijta ah ay caadeysteen in ay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in hey’adaha amnigu ay la yimaadaan feejignaan dheeri ah, si Khawaarijtu aanay fursad ugu helin dhibaateynta dadka Soomaaliyeed ee cibaadada Alle ku jira.
Waxa uu hoosta ka xariiqay Ra’iisul Wasaare Xamsa sida ay mudnaanta koowaad ugu leedahay xukuumaddiisa ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah ee baneystay nafta iyo maalka bulshada Soomaaliyeed.
Todobaadkii tegay gaar ahaanna habeenkii Jimcaha Al-Shabaab ayaa soo galay hotelka SYL oo ku yaalla irida laga galo madaxtooyada qaranka, askartii joogtay barta koontrool ee laga ilaaliyo madaxtooyada ee ku taalla Sayidka ayaa xabsiga loo taxaabay.
GalmudugMirror
Muqdisho, Soomaaliya