Nin Kenyan ah oo arrin cajiib ah ka sameeyay Galdogob(Daawo)

0
31

Dhakhtar Kenyan ah oo ka hawlgala isbitaal ku yaalla degmada Galdogob oo ku taalla galbeedka Gobolka Mudug ayaa sameeyay dhacdo dhif iyo naadir ah in la arko.

Tallaabada uu qaaday dhakhtarka Kenyaanka ah ayaa hadal-hayn badan ka dhalisay magaalada Galgodob iyo guud ahaan gobolka Mudug.

Ninkan Dhakhtarka ah ayaa beer ka samaystay meel ka fogayn goobta uu ku yaallo Isbitaalka uu ka shaqeeyo, waxaana baraha ku faafay sawirro muujinaya isagoo dhex taagan beertiisa.

Beerta uu samaystay ayuu ku beeray Qare, waxaana uu iminka guranayaa Qarihii uga soo go’ay beertiisa.

Tallaabadani ayaa muujinaysa sida dadka Soomaaliyeed ay ugu guuldaraysteen ka faa’iideysashada dhulkooda hodanka ah taas beddalkeedana tallaabada dhakhtarka Kenyaanka ah waxay dhiirragelin u tahay kumanaanka dhallinyaro ee maanta ka cabanaya shaqo la’aanta.

Waxaa xusid mudan gobolka Mudug oo uu arrintani ka sameeyay dhakhtarkan ka soo jeeda dalka Kenya in uu kamid yahay dhulka ay la degeen colaadaha sokeeye oo ay jiraan beelo Soomaaliyeed oo iminkaba ku dagaallamaya meel aan wax badan u jirin halka uu beerta uu samaystay.

Haddaba tallaabada dhakharka Kenya maxay ka baran karaan dhallinyarada naftooda ku biimaynaya badaha waa weyn iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed ee kala qoqobku daashaday muddada dowlad la’aanta waddanku uu ahaa?

Waxaa qoray: Maxamed Cabdullaahi Maxamed

GalmudugMirror

Gaalkacyo, Galmudug, Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here