Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka hadlayay kulan culimada Suufida ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa baaq culus u diray madaxda ugu sarreysay dowladda federaalka.
Farriinta Sheekha oo xambaarsanayd arrinka wax ka beddalka dastuurka KMG ah ayaa nasiib darro ku sifeeyay in baarlamaanku ay ka doodaan dastuurka lagu qoro mad-habka Shaaficiyah, isagoo ugu baaqay in arrintaas aysan muran-gelin, maadaama dadka Soomaaliyeed ay heystaan mad-habkaas.
“Waa arin khatar ah in baarlamaankii Soomaaliya uu maanta ka doodayo Soomaaliya waa Shaaficiyo miyaan dhahnaa mise ma dhahno,” ayuu yiri Sheekh Shaakir oo la hadlayey boqolaal culumada Ahlu Sunna ah.
Sidoo kale Sheekh Shaakir ayaa muujiyey inay taageersan yihiin qorshaha madaxweynaha ee dhameytirka qabyo-qoraalka dastuurka, isagoo la yaab ku tilmaamay siyaasiyiinta doodda ka qaba dhameystirkiisa/
“In dastuurka la dhammaystiro waaye, waa muhiim waana ku taageersannahay madaxweynaha laakiin waxaa jira siyaasiyiin ka soo horjeeda taas, waa in dastuur waddankaan uu helo haddana aan xal kale umadda u heyn” ayuu hadalkiisa raaciyay Sheekh Shaakir.
Wuxuu sheegay in dhameystirka dastuurka uu muhiim u yahay dalka, isla markaana laga baxayo ku meel gaarnimo sharci oo muddo badan ay Soomaaliya ku soo jirtay, taas oo sababtay in mashaariic badan ay xayirmaan.
Dhinaca kale Shiiqa ayaa sheegay inay taageersan yihiin sida uu Xasan Sheekh wax ku wado, si gaar ah wuxuu uga mahad celiyey guulaha uu ka gaaray hoggaamintiisa, isagoo xusay cunaqabateyntii hubka, deyn cafintii Soomaaliya iyo dadaalo kale oo dowladda Xasan Sheekh ay ka miro-dhalisay.
Dagaalka ka dhanka ah Argagixisada oo uu hoggaamiye Shaakir soo hadal qaaday waxaa uu sheegay in markii culimada Ahlu Sunna ay ku dhiiradeen iska celinta Khawaarijta islamarkaana haatan ay dowladda ku garab taagan yihiin ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah.
GalmudugMirror
Muqdisho, Soomaaliya