Su’aal: Maxaa keenay in MW Xasan uu dhowr jeer u safro Eritrea?

0
22

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kaddib booqasho qaadatay laba maalin oo uu ku tegay dalka Eritrea.

Haddaba, maxaa sababay in Xasan Sheekh uu dhowrkaan bilood safarro is daba-joog ah ku tago dalkaasi Eritrea?.

Su’aashaas wuxuu madaxweynaha dowladda FS mudane Xasan Sheekh kaga jawaabay wareysi uu siiyey TV-ga Qaranka isla dalkaasi Eritrea, isagoo yiri “Waxaan halkaan u imid in aan warbixin ka siiyo madaxweynaha Eritrea isbedellada iyo horumarka ka socda Soomaaliya, isla markaana aan weydiino wixii talooyin ah sidii horey loogu sii wadi karo xoreynta argagaxisada ee dalkeena”.

DR. Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Soomaaliya ayaa Eritrea ku ammaanay doorka ay ka qaadatay arrimaha Soomaaliya, isagoo sheegay inay Eritrea samaysay wax dalal yar ay ka sameeyeen Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu wareysigani Xasan Sheekh ku sheegay in ciidamo badan oo Soomaali ah lagu tababaray dalka Eritrea, isagoo caddeeyey in Soomaaliya ay Eritrea u aragto dowlad aan wax dan ah oo gaar ah ka lahayn Soomaaliya ee walaaltinnimo un u caawinaya.

Waxaa la rumeysan in madaxweyne Xasan Sheekh uu Eritrea ku tagay in kabadan safarrada uu ku tagay dalalka kale ee caalamka muddo xileedkiisan.

Safarkaan dambe ee hadda uu ka soo laabtay Xasan Sheekh waxaa la sheegay in Afwarki ay ka wadahadleen xiisadda Itoobiya, maadaama labada dalba ay cadowgooda koowaad u arkaan Itoobiya.

GalmudugMirror

Muqdisho, Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here