RW Xamsa oo la kulmay madaxda hay’adda UNHCR ee Somalia

0
23

RW Xamsa oo la kulmay madaxda hay’adda UNHCR ee Somalia

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hey’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay (UNHCR) Xafiiskeeda Soomaaliya Mr. Charles Mballa.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaare Xamse, waxaa uu Ra’iisul wasaaruhu Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hey’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay (UNHCR) Xafiiskeeda Soomaaliya Mr. Charles Mballa.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in labada masuul ka wada hadleen xaaladda qaxootiga iyo barakacayaasha ku nool gudaha dalka iyo sidii howlaha gargaarka ee ay ka wadaan Soomaaliya loogu beddeli lahaa mashaariic horumarineed, si xal waara loogu helo dhibaatooyinka sababa barakaca.

“Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxa Hey’adda Qaxootiga UNHCR ee Soomaaliya, ayaa ka wada hadlay xaaladda qaxootiga iyo barakacayaasha ku nool gudaha dalka iyo sidii howlaha gargaarka ee ay ka wadaan Soomaaliya loogu beddeli lahaa mashaariic horumarineed, si xal waara loogu helo dhibaatooyinka sababa barakaca”.

“Mudane Xamsa ayaa dul istaagay muhiimadda ay leedahay in howlaha ay hey’addu ka fuliso dalka lagu saleeyo arrimaha horutabinta u leh Xukuumadda, isaga oo intaas raaciyey in loo diyaar garoobo saameynta ka dhalan kara roobabka, maadaama uu nagu soo foolleeyahay xilli roobaadkii” ayaa lagu yiri Warka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraalka ayaa intaas sii raaciyay in Mr. Charles Mballa uu ballan-qaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonaan hey’adaha kala duwan ee dowladda, si loo xaqiijiyo arrimaha mudnaanta leh ee ay ka wada shaqeynayaan labada dhinac.

GalmudugMirror

Muqdisho, Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here