MW Galmudug oo guddoomiyay shirka wasiirradiisa (Sawirro)

0
32

MW Galmudug oo guddoomiyay shirka wasiirradiisa (Sawirro)

Dhuusamarreeb, 21-03-2024; Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir guddoomiyay kulanka Golaha wasiirrada Dowladda Galmudug oo uu goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug mudnae Cali Daahir Ciid.

Shirka ayaa looga hadlay xaaladdaha guud ee Galmudug,  sida amiga, dhaqaalaha iyo qorshaha Dowladda. Sidoo kale Golaha ayaa ka dooday mashaariicda socota iyo kuwa hortabinta iyo mudnaanta u leh bulshada Reer Galmudug.

Ugu dambeyn madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa golaha kula dardaarmay dardargelinta qorshaha Dowladda.

Dhanka kale, Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa saxiixay heshiiska dhismaha, maalgashiga iyo maareynta Dekadda Hobyo oo ay wada galeen Dowlad Gobaleedka Galmudug iyo Shirkadda Maalgashiga Hobyo (Hobyo investment Company).

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa saxiixay Sharci muhiim ah oo dhowrayo Carruurta Dheddig iyo Haweenka oo ay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka soo gudbisay.

GalmudugMirror

Dhuusamareeb, Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here