Baarlamaanka oo cod gelinaya afarta cutub ee dastuurka KMG

0
29

Baarlamaanka oo cod gelinaya afarta cutub ee dastuurka KMG

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed ayaa maanta yeeshey fadhigoodi caadiga ahaa, kaas oo si rasmi ah loogu soo gudbiyey nuqulka kama danbeysta ah ee dastuurka federaalka, afarta cutub ee doodiisu dhammaatey.

Guddoomiyahadib-u-eegista iyo la-socodka hirgelinta dastuurka federaalka Xildhibaan Xuseen Iidow ayaa Xildhibaanada ka hor akhriyey nuqulka rasmiga ah. Xildhibaan Iidow ayaa sheegay in 316 Xildhibaan ay qodob qodob u dul istaagey afarta cutub oo ka kooban 61 qodob, waxaana ay ka dhiibteen aragtiyo badan taas oo nuqulka cusub lagu soo kordhiyey.

Cutubka afaraad ee Metelaada ayaa wax laga beddalay, waxaana meesha laga saarey Madaxweyne ku-xgineeka waxaana laga dhigey in Madaxweynaha ay soo dooranayaan shacabka Soomaaliyeed, isaguna uu Xisbigiisa ka soo maacaabayo Raysalwasaare kaas oo Madaxweynuhu lee yahay xil ka qaadista. udada xil haynta Goloyaasha Dowaldda ayaa laga dhigey shan sanno. Sidoo kale Dowlad goboleedyada waxaa Madaxweynaha iyo Xildhibaanadaba dooraanaya shacabka, magaca ah Madaxweyne ee Dowlad goboleedka waxa u noqonayaa Hoggaamiye “Leader”.

Sida uu qorshuhu yahay sharci dejiyeyaasha gollaha shacabka iyo aqalka sare ayaa sabtida go’aanka kama dambeysta ah ka gaari doona wax ka beddalka dastuurka.

Dhanka tirada xisbiyada oo markii hore la soo bandhigey laba xisbi oo keliya ayaa laga dhigey Saddex Xisbi, kuwaas oo ka soo baxay doorashada goloyaasha deegaanka.

Guddiga doorashooyinka iyo Soohdimaha oo nuqulkii hore ahaa 15 xubnood ayaa hadda laga dhigey 18 xubnood.

Sheekh Aadan madoobe guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Xildhibaanadu ay haytaan tan iyo maalinta Sabtida ah, kadib codka loo qaadi doono isla maalinta Sabtida ah.

Dowlad goboleedka Puntland ayaa si weyn uga soo horjeeda dhamaystirka dastuurka KMG ah oo ay ku sheegtay in uu yahay dastuur cusub isla markaana dastuur ay ka maqan tahay aysan sinaba u oggolaan karin, Sidoo kale waxaa ka soo horjeeda Madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Farmaajo iyo qaar kamid ah raysal wasaarayaashii hore.

GalmudugMirror

Muqdisho, Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here