BF oo u ansixiyay sharciga guddiga Doorashooyinka
Labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah oo ay ku yeesheen Muqdisho waxay ku meel-mariyeen sharciga dhismaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka iyo xudduudaha.
Guddoomiyaha gollaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa fadhiga ka shaaciyay in sharcigani ay ogaaldeen dhammaan Xildhibaannadii iyo Senatorradii soo xaadiray kulanka oo tiradoodu ay dhammayd 173 sidoo kale ma jiro xildhibaan diiday iyo mid ka aamusayba.
“Aan is dhageysano natiijada ayaan ku dhawaaweynaa kooramka wuxuu ahaa 173 Mudane, cid ka aamustay ma jirto, cid diidayna ma jirto dhammaan waxay ku codeeyeen wada ogol, sidaas daraadeed waa ansax xeerka dhismaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyox xuduudaha” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.
Intaas kaddib, xildhibaannada ayaa guda-galay akhrinta 2aad ee xeerka ururrada/xisbiyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee doorashada dadweynaha ka qayb galaya, si loo helo xeer qeexaya oo baarlamaanku u codeeyay.
Kulamada Baarlamaanka oo uu horay u dalbaday madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dardar ku socdo, waxaana qorshaha ugu wayn uu yahay hirgelinta doorashada ee qof codka ah ee ay go’aamiyeen xubnaha golaha wadatashiga qaranka.
Inkastoo siyaasiyiinta Mucaaradka ah ay durba ka soo horjeesteen tallaabadani ay qaadeen labada gole ee baarlamaanka FS, haddana weli kama aynaan hadlin arrintani dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.
Shabakadda GalmudugMirror
Muqdisho, Soomaaliya