Bajaajlihii u bareeray inuu Waxbarto Noloshiisa iyo Tan Qoyskiisana ka maareeyo Xirfadiisa Wadista Mootada.

0
28

Bajaajlihii u bareeray inuu Waxbarto Noloshiisa iyo Tan Qoyskiisana ka maareeyo Xirfadiisa Wadista Mootada

Dad badan ayaa Dalka uga tagay Shaqa la’aan waxa ayna Kumanaan Kilow Mitir iyo Mayl uga talaabeen sidii Mar uun Meel uga shaqayn lahaayeen Halka kuwana Xafiisyada Dowlada ama Hay’adaha Waraaqo la hor tuman yihiin iyagoo Quudaraynaya Shaqaalaysiin Meel sare ay ka bilaabaan.

Dhamaan inta aynu soo sheegnay waxaa Meel iska dhigay oo Maaraynta Nolosha sida ay tahay u fahmay waa Dhalinyarada ku shaqaysata Moota Bajaajta taasoo ay ku Tiirsan yihiin Nolosha Qoosas badan halka Caruur badana wax barashada looga dhiibo iskuulada Lacagta Bajaajluhu soo shaqeeyo.

Sheekadeena Maanta waxa ay Xambaarsan tahay waa Wiil dhalinyaro ah kuna sugan Magaalada Dhusamareb Maalinta Galinkeeda hore waa isaga iyo Bajaajtiisa oo Magaalada uu uga shaqaysto Halka Galinka Dambe ee Maalintana Waxbarashada uu aado Heerkiisuna waa Dugsiga sida uu ii sheegana ilaa Heer Jaamacadeed ayuu Hiigsanayaa.

Maxamed Aadan oo ah Waiilka Sifooyinka aan soo sheegna le ayaan wax ka waydiiyey Faa’iidada Bajaajtu Dhalinyarada uleedahay waxa uuna ka waramayaa Shaqadaan uu iskiis ugu shaqaysto Moota Bajaajta ama Tuktukta.

Markii aan waraysiga Boganay ayaa Mar kale Aniga iyo Maxamed Sheekadaan ina Dhexmartay waxa aana u raacay Halkii aan usocday waxa uuna iiga sheekeeyey Caqabadaha ay la kulmaan iyo sida ay ay isaga Maareeyaan.

Nuxurka Sheekada ayaa ah in Qofka Wadankiisa aaminay lana yimid Xirfad uu ku shaqaysto isagoo waxna baranaya in lagu dhiiri galiyo oo aan lala simin Kuwa Dalkii isaga tagay ama kuwa Colaadaha iyo Rabshadaha sida Xaabada loogu hurinayo waxa aan filayaa in Wasaaradda Waxbarasha Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Galmudug Fariintan Gaari doonto si Ardaygaas Shaqaysanaya loo Maamuuso waxaa kale oo aan ka baran karnaa inaan Shaqada laga doon doonin Meel sare iyo Shaqa Xafiis hadaana Helin Dalku shaqa malahan waana ka tagayaa ama waa jiifanayaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here