Beesha caalamka oo ka nixisay P/Land & Siyaasiyiinta…
Beesha Caalamka ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku soo dhowaysay dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto helidda dowladnimo taam ah oo ka dhalata dalka.
Waxaa ay si gaar ah u xustay beesha caalamku in dhamaystirka waxyaabaha muhiimka u ah dowlad wanaagga, sida qabya tirka Dastuurka, ay yihiin howlo mudan bogaadin.
War qoraal ah oo ka soo baxay beesha caalamka ayaa lagu yiri, “Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya waxay bogaadinayaan dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Federaalka ah ee lagu xaqiijinayo u hogaansanaanta Soomaaliya ee waajibaadka caalamiga ah iyo kuwa heer gobol ee khuseeya xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan xuquuqda carruurta.”
Qoraalka ayaa intaas ku sii daray “Waxaan rajeyneynaa iskaashi [sii socda] mustaqbalka oo aan la yeelano Soomaaliya oo iyadu xoojineysa doorka ay ku leedahay fagaarayaasha caalamiga ah.”
Sidoo kale beesha caalamka ayaa farriin u dirtay saamileyda siyaasadda dalka, kuwaas oo loogu baaqay inay u hoggaansamaan hanaan wadar-ogol ah oo ku saabsan arrimaha masiiriga ah.
“Waxaan sidoo kale qireynaa ku talagalka adag ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku talagashay in horumar ay ka sameyso dhameystirka Dastuurka, waxaana ku boorineynaa dhammaan saamileyda inay sii laba jibbaaraan dedaalladooda ku aaddan dhisidda wadar-oggol loo marayo geeddi-socod loo dhanyahay,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.
Wax weyn ayey dowladda federaalka uga dhigan tahay taageerada beesha caalamka ee qorshaha dhameystirka dastuurka oo wajahaya mucaaradad weyn oo maxali ah.
Madaxweynayaashii hore ee dalka iyo dowlad goboleedka Puntland ayaa si adag uga hor yimid ansixinta afarta cutub ee ugu horeysa dastuurka oo hadda beesha caalamka ay aad u soo dhaweysay.
Mucaaradka dowladda waxaa dhabarjab weyn ku ah go’aanka beesha caalamka oo taageertay qorshaha dowladda federaalka, halkii ay doonayeen in beesha caalamka ay u kala dab-qaado iyaga iyo dowladda federaalka.
GalmudugMirror
Muqdisho, Soomaaliya