Muqdisho ( Galmudug mirror) Beesha caalamka oo soo faragalisay waxka badalka dastuurka dalka..
Muqdisho ( Galmudug mirror) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay wakiilada beesha caalamka ee ka howlgala Soomaaliya oo uu hoggaaminaayo Ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM Soomaaliya Raisedon Zenenga.
Shirka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan xoojinta Ammaanka iyo la-dagaallanka Kooxaha Khawaariijta ah, iyada oo shirka muhiimadiisa inta badan xooga lagu saaray wax ka bedelka dib u eegista Dastuurka KMG ah ee dalka oo maraya cutubkiisa afaraad.
Wakiilada Beesha Caalamka ayaa soo dhoweeyay hanaanka dib u eegista dastuurka iyo in dalka uu yeesho dastuur rasmi ah oo sugaya afti dadweyne, waxayna Baarlamaanka Soomaaliyeed ku taageereen dadaalka xoogan ee ay ugu jiraan in dalka uu yeesho sharci hagaya dalka, dadka iyo dowladda Soomaaliyeed.
Hagaajinta iyo waxka badalka dastuurka KMG ee soomaaliya ayaa waxaa looga doodayaa gudaha dalka iyo fadhiga baarlmaanka soomaaliya.
Dastuurka dalkeena ayaa intiisa badan waxaa looga wada hadli jiray banaanka dalka iyadoona uu noqday mid mashruuc ah oo aan dhamaaneyn balse dowlada haatan jirta ayaa go’aansatay in baarlmaanka soomaaliya uu shaqadaan qabsado.