Burcad baddeed Soomaali ah oo dhowaan qabsaday Markab ku socday Imaaraadka Carabta ayaa shaaciyay lacagta madax furasho oo ay ku sii deynayaan.
Markabka MV Abdullah, oo ay labo maalin ka hor afduubeen kooxdan burcad badeedda ah ayaa la xaqiijiyay in ay geeyeen xeebaha gobolka Mudug.
Burcadda ayaa la sheegay in ay ka dalbadeen qolyaha markabka iska leh ee KSRM lacag madax furasho ah oo 5 milyan oo dollar ah, oo ay ku soo deynayaan markabka iyo 23 shaqaale ah oo saaran.
Sida laga soo xigtay shirkadda Markabka iska leh, waxaa burcad badeedda Soomaalida ah ay ku hanjabeen inay dili doonaan qof kasta oo markabkaasi saaran haddii aan la siinin lacagta madax furasho oo ay dalbadeen, inkastoo waqti cayiman oo lagu siinayo aynaan shaacinin.
Sida warar ay heshay shabakadda GalmudugMirror ay sheegayaan Markabkani ayaa sida 50,000 oo tan oo dhuxul ah, oo uu ka soo qaaday magaalada Maputo ee dalka Mozambique, wuxuuna ku socday Al Hamriyah oo ku taalla dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Ilaa 25 nin oo hubaysan ayaa horey markabkan oo laga leeyahay Bangaladesh uga soo afduubay biyaha caalamiga ah ee badweynta Hindiya, hayeeshee iminka waxaa la soo warinayaa in ka badan 10 nin oo hor leh oo hubeysan in ay ka fuuleen xeebaha gobolka Mudug, halkaa oo ay ku heystaan.
Dowlad goboleedka Puntland ayaana ciidamo ku daabulay degaannada dhaca xeebaha ee gobolka Mudug sida Garacad oo lagu arkay ciidamada ay xukuumaddu geysay.
Weerrarada burcad badeedda Soomaalida oo sanado badan laga nastay ayaa dhowaanahan dib u soo laba kacleeyey, xilli ay sidoo kale badaha ku teedsan Soomaaliya qaarkood ay xiisad ka jirto, gaar ahaan Badda Cas.
GalmudugMirror
Gaalkacyo, Galmudug