Caabudwaaq Khadar Maxamuud Samatar oo manta toogasho lagu fuliyay
Maxkamadda Gobalka Galgaduud ayaa Dil Qisaas ah maanta ku fulisay Khadar Maxamuud Samatar oo horay u dilay Mahdi Cuuke Salaad kuna dilay Magaalada Caabudwaaq Gobolka Galgaduud.
Maxkamada Gobolka Galgaduud ayaa xoojisay dadaalada lagu Qisaasayo Dadka dillka ka geysta deegaanada Galmudug iyadoona maal mihii la soo dhaafay in kabadan 10 ruux lagu toogatay gobolka Galgaduud.
Magaalada Caabudwaaq oo ahayd meel intabadan ay ka dhacaan aanooyinka qabiilka ayaa bulshada deegaanka waxa ay ku heshiiyeen in aan diyo laga qaadan qofkii dila qof kale kana codsadeen dowlada Galmudug in qofkii qof dila la toogto lana mariyo ciqqaabta uu xaqa u yeesho.
Bulshada Galmudug ayaa qabta in arintaan ay tahay mida kaliya ee lagu kla badbaadi karo.