Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo loo magacaabay Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka .
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddaabadlaha ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo Mudane C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).
Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo dhowr jeer oo hore soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan ,Danjire iyo Agaasimaha Hey’adda NISA oo uu noqonayo markii saddexaad uuna ku soo baxo codeynta golaha wasiirada soomaaliya .
Sanbaloolshe ayaa intii uu ahaa Taliayaha Nisa waxaa dalka ka dhacay arimo gudaha dalka guuxbadan ka abuuray guuxaas oo ahaa dhiibistii Qalbi dhagax taas oo loo gacan galiyay Dowlada itoobiya .
Golaha ayaa uga mahadceliyey Agaasimihii hore ee hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad muddadii uu xilka hayey shaqadii uu Qaranka u soo qabtay oo laga dheehan karan xaalufinta khagarta kooxda Alshaab oo si xoogan loogala dagaal gudaha dalkeena soomaaliya.
Galmudug Mirror
Muqdisho Somalia