Cali yare Cali oo markii ugu horeysay Weeraray Siyaasada farmaajo

0
33

Cali yare Cali oo markii ugu horeysay Weeraray Siyaasada farmaajo

Gudoomiyihii hore Amniga iyo Siyaasada maamulka Gobolka Banaadir Siyaasi cali ayare Cali ayaa markii ugu horeeysay weeraray aragtida siyaasadeed ee Madaxweynihii hore Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Faraamo.

Caliyare Cali ayaa sheegay in farmaajo uu siyaasad ahaan dib u noqday uuna dhex maquurtay meel uusan ka fileyn isaga oo sheegay in siyaasada farmaajo uu isga iyo rag la mid ah ay kaadida u soo cabeen balse arintii la isku dhaarsaday oo ka barax la’eed qabyaalada iyo mausuq maasuqa uu maanta farmaajo warbaahinta la soo hor fariistay waxa uuna taas ku tilmamay nasiib daro u soo hoyatay NAbad iyo Nolol.

Gudoomiye Caliyare Cali ayaa sidaan ku qoray bartiis afacebook

“Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus  oo u dhexeeyay ciidamada Dowlada HirShabelle iyo maleeshiyo taabacsan maamul sheegtay in uu yahay hiiraan state oo dhawaan looga dhawaaqay Baladweyne.

Laga soo billaabo bishii Juun sannadkii 2010 oo hadda laga joogo ku dhawaad 15 sannadood ayaan bilaabay inaan bulshada soomaaliyeed ku qanciyo inuu noo soo baxay hoggaamiye soomaaliyeed oo loo simanyahay, Muqdisho aan laga xigin, tuuladiisuna xaafadaha, Isku-raran, Waaberi iyo Xamar Jadiid ee Muqdisho yihiin oo Awlaadul Caasimah ah.

Dad abaabulnaa oo u badnaa jilbo-weeynta siyaasadeed iyo ganacsi oo salka danbe la galayay xafiiskii ninkii UN-ka soomaaliya u qaabilsanaa ee  Agustina Mahiga ayaa dagaal abaabulan igala horyimid, iyaga oo ku doodaya inaan ahay midaan waxba kala garan oo damiin ah, kaas oo aan dabinka Farmaajo iyo halista kasoo wajahan aan garan karin.

Aniga iyo bulshadii kale ee baahida u qabtay hoggaamiye qabyaaladda ka caaggan ee loo simanyahay waxaan awood ku jiirnay caadaqaatayaashii soomaaliyeed iyo shisheeyihii.

15 Sannadood kadib, waxaan maanta daawanayaa Farmaajo oo durbaan qabiil garaacaya iyo Farmaajo oo leh “Qofkasta tuuladiisii inuu aado ha isku diyaariyo, Farmaajo oo UN-kii aan 15 Sano ka hor jilbaha dhulka ugu dhufannay u dacwoonaya iyo Farmaajo oo lumiyay shacbiyaddii aanu isaga ka hor waligiis helin hoggaamiye kale oo soomaaliyeed”.

Dadka intiisa badan ayaa aaminsan in Cali yare Cali uu ahaa makiinada siyaasadeed ee uu ku duulo farmaajo balse Arintaan ayaa muujineysa in cali yare Cali iyo Madaxweynihii hore Farmaajo ay siyaasad ahaan kala boodeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here