Daawo: Puntland oo qabatay hub culus iyo raggii watay
Cutubyo ka tirsan ciidamada PMPF, gaar ahaan kuwa qaabilsan illaalinta Badda ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan hub si sharci darro ah lagu soo gelinayey magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Afar nin gaadiid iyo hub ay doonayeen inay si dhuumaaleysi ah ku geliyaan magaalada Boosaas ayaa la soo qabtay, waxaana galabta loo soo bandhigay saxaafadda.
Hubkaan waxaa ku jira qoryo Faal ah, AK47 iyo noocyo kale oo baceysan ayaa la soo bandhigay, ilaa hadda Puntland ma shaacin cidda loo waday hubkaas.
Saraakiisha ammaanka ayaa ku gaabsaday in baaritaan uu socdo dibna ay ka soo shaaci doonaan natiijada rasmiga ah, isla markaana ay maxkamadda horgey doonaan ragga lasoo qabtay.
Howlgalka lagu qabtay hubkaan wuxuu dhacay xalay, sida ay Caasimada Online u sheegeen saraakiisha ciidamada PMPF ee Puntland, kuwaas oo ku guuleystay howlgalkooda.
Ciidanka ayaa qabtay hubkaan xilli ay ku jireen howlgal dhanka badda ah oo xeebaha gobolka Bari ay ka wadeen, waxaana la sheegay inay sii heleen xogta ragaan lasoo qabtay.
Kooxaha argagixisada ah ee Alshabaab iyo Daacish ayaa ka howlgala degaanno ka tirsan Puntland kuwaasoo dagaal adag kula jira jiritaanka dowladnimada maamulkaasi.
GalmudugMirror
Garoowe, Puntland