Gaalkacyo (Galmudug Mirror) –
Gaalkacyo (Galmudug Mirror) – Warar dheeraad ah oo laga helayo Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in uu khasaare xoogan ka dhashay dagaal beeleed lagu hoobtay oo maanta ka dhacay bariga gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo wada daga goobta dagaalku ka socdo.
Dagaalka oo ka dhacay deegaano hoostaga magaalada Afbarwaaqo oo dhacda bariga gobolka mudug ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay laba qof oo xoolo dhaqato ahaa ku dileen halkaasi ka dibna uu bilowday dagaal saf ka saf una dhexeeya dhicayadii wax kala dilay.
Dilka labada qof ayaa salka ku hayay aano qabiil oo ka taagan deegaanada dhaca bariga gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan 10 qof oo labada dhinac ah, halka ay ku dhawaacmeen tiro kale oo intaas ka sii badan.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo gobolka kamid ah, gaar ahaan aagga lagu dagaalamay.
Dagaal beeleedyada ayaa ah ku inta badan ka dhaca deegaanada galmudug waxaana ka dhashay dhimasho farabadan taasna waxaa loo aaneynayaa in ay dadka reer galmudug ay inta badan heystaan hubka nuucyadiisa kala duwan ayna ka kooban yihiin qabiilo farabadan isla markaana meysan helin dibuheshiisiin maan gal ah.