DEGDEG: MW Qoorqoor oo qaaday tallaabo xasaasi ah
Digreeto goor dhow laga soo saaray xafiiska madaxtooyada Galmudug ayaa lagu magacaabay wasiir cusub.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa wasiirka wasaaradda warfaafinta u magacaabay Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko) oo horay xilal uga soo qabtay dowladda federaalka, marna soo noqday xildhibaan dowladdii KMG ahayd.
“Madaxweynaha Dowladda Galmudug ayaa u magacaabay Cali Maxamuud Faarax inuu noqodo wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska” ayaa lagu yiri wareegtada ka soo baxday aqalka Galmudug ee madaxweyne Qoorqoor.
Wasaaraddan ayaa waxaa hayay xildhibaan Abshir Shiikhow oo ay isku degaan ka soo wada jeedaan Cali Seeko.
Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta Galmudug Cali Seeko ayaa dhowaan magaalada Muqdisho kaga qeyb galay kulan xasaasi ahaa oo beeshiisa ay uga hadlaysay isqabqabsiga la xariira Ugaasnimada reerka iyo arrinta magaalada Xarardheere.
Tallaabada uu qaaday madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ku soo beegmaysa iyadoo uu ku jiro waayihii u dambeeyay ee muddo xilleedkiisa.
Dhuusamareeb, Galmudug
Shabakadda Wararka GalmudugMirror