DEGDEG: Wasiirrada DF oo loogu yeeray shir xasaasi ah

0
10

DEGDEG: Wasiirrada DF oo loogu yeeray shir xasaasi ah

Sida ay sheegayaan wararka ay ka heleyso shabakadda GalmudugMirror gollaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in caawa ay yeeshaan kulan aan caadi ahayn.

Shirka ayaa qorshaha uu yahay inuu guddoomiyo Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre sida laga soo wariyay xafiiska wasiirka koowaad ee dalka.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa lagu wargeliyay inay si buuxa uga soo qayb-galaan dhammaan xubnaha gollaha wasiirrada, maadaama uu yahay shir muhiim ah.

Sida ay aragtay shabakadda GalmudugMirror farriin loo diray xubnaha gollaha, ayaa waxaa lagu sheegay in shirka uu ka qabsoomayo xafiiska ra’iisul wasaaraha, isla markaana uu yahay shir aan caadi ahayn, ayadoo xubnaha laga dalbay inay soo wada xaadiraan.

Ilwareedyo xafiiskaasi ka tirsan ayaa inoo xaqiijiyay in isu-imaatinkaan looga hadli doono qodobo dhowr ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in kulankan warbixino kala duwan looga dhageysan doono qaar kamid ah gollaha wasiirrada, sida wasiirka arrimaha dibadda oo faah-faahinayo shirarkii ugu dambeeyay uu kasoo qayb-galay iyo waxa u qabsoomay.

Sidoo kale wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa dhankiisa warbixin xasaasi ah la wadaagi doono golaha Wasiirrada, taas oo uu uga hadli doono guulaha laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu qaaday kooxda Al-Shabaab iyo sidoo kale dhaqdhaqaaqyada socda ee la xiriira mustaqbalka howlgalka ATMIS.

Xubnaha gollaha wasiirrada ayaa sidoo kale la filayaa inay soo saaraan awaamiir cusub oo la farayo inay la socdaan hay’adaha kala duwan ee dowladda federaalka Soomaaliya, xilli madaxweyne Xasan iyo kooxdiisa siyaasadda ay qorsheynayaan doorashooyin siyaasiyiinta mucaaradku u arkaan kuwa iyaga uun ay qabsanayaan.

Si kastaba, shirkan loogu yeeray gollaha wasiirrada ayaa kusoo aadayo, ayada oo xaalad siyaasaddeed ay ka taagan tahay dalka, isla markaana uu fashil ku dhowyahay shirkii golaha watashiga qaran ee ka socday Villa Soomaaliya, maadaama uu ka baxay Axmed Madoobe.

Xafiiska Muqdisho

Shabakadda GalmudugMirror

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here