Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Pntland ay ku garab-taagan tahay Jubbaland fulinta dastuurka iyo qabsashada doorashadeeda heer dowlad goboleed.
Madaxweyne Deni oo taageeray mowqifkii Madaxweyne Axmed Madoobe ka qaatay Shirkii Madasha Muqdisho ayaa si cad u sheegay in Puntland garab iyo gaashaan ugu tahay Jubaland in ay qabsato doorashadeeda.
“Halkaan waxa aan ka caddaynayaa in aan garab iyo gaashaan u nahay Jubbaland in ay qabsato doorashadeeda xorna u tahay” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad ka jeedinayay furitaanka Kal-fadhiga Baarlamaanka.
“Xasan Shiikh doorashadii uu noo diidanayaa ee qof iyo codka ayuu maamullada ku khasabayaa, Madasha Qaranku maaha meel danta Soomaaliyeed lagu hayo” ayuu sii raaciyay hadalkiisa isagoo xoojinaya mowqifkii Madaxweyne Axmed Madoobe ka qaatay Shirkaasi.
Madaxweyne Saciid Deni iyo dhiggiisa Axmed Madoobe oo muddo siyaasad ahaan isku saf ahaa ayaa kala irdhoobay wixii ka dambeeyay markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu kursiga Ra’iisul wasaare u magacaabay Xamza Cabdi Barre oo ahaa xildhibaan laga soo doortay dowlad goboleedka Jubbaland islamarkaana ay isku xisaab hoose yihiin Axmed Madoobe.
Shabakadda GalmudugMirror
Garoowe, Puntland