DF oo sheegtay in 27 goobood ay kala wareegtay ATMIS

0
7

DF oo sheegtay in 27 goobood ay kala wareegtay ATMIS

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur(Jaamac) oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa ka faah-faahiyay qorshaha howlgalka gaba-gabada ah ee ATMIS.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidanka Xoogga dalka ay kala wareegeen howlgalka ATMIS in kabadan 27 xarumo oo guud ah dalka.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wajigii 3-aad wuu dhameeyay, guud ahaan ATMIS in kabadan 27 goobood ayaa lagala wareegay, in intaas lamid ah illaa 2024 waa la dhameystirayaa oo ay 3 bilood uun ka dhimantahay, kaas oo howgalka ku egyahay dhamaadka sanadkan

Wasiirka ayaa dhanka kale ka hadlay howlgalka cusub ee AUSOM, kaas oo bilaaban doono waxii ka dambeeyo sanadkan, isagoo sheegay inay socdaan arrimo farsamo ee lagu dhameystirayo howlgalka cusub ee bilaaban doono waxii dambeeyo bisha December ee 2024.

“Wadahal ku aadan howlgalka cusub ayaa waxaa noo socda anaga, Midowga Afrika,  Qaramada Midoobay iyo hay’adahii kaalmeyn lahaa, waxay doodi ka taagneyd oo sidii u taagan tahay dowladda Ethiopia oo hadday ka laaban heshiis beenaadkii badda Soomaaliya kamid noqon doonin howlgalkaas oo ay dowlado kale booskaas buuxin doonaan” ayuu intaasi ku daray Wasiirka.

Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale soo hadal-qaaday shaqan galka heshiiska difaaca iyo dhaqaalaha ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, isagoo sheegay in shalay magaalada Istanbul ay kasoo dhaqaaqeen qeyb kamid ah ciidanka Badda Turkiga oo galbinaya markabka baarista shidaalkaa Soomaaliya.

“Waxaa farxad innoo ah in heshiiskii fulintiisa ay dhaqan-galeyso badda Soomaaliyeedna guud ahaan amnigeedii kaalintooda ka geysan doonaan, dadka Soomaaliyeed howshii Madaxweyne Xasan Sheekh u ballan qaaday ee maalmihii wacnaa way soo socdaan qeybta ugu muhiimsan bilaaban doonto hadduu Alle idmo” ayuu yiri wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa u diyaarsan la howgalka qorshaha cusub waxii ka dambeeyo December 2024 kadib marka uu dhamaado howgalka ATMIS ee Soomaaliya hadda ay ka harsan tahay wax yar, iyagoo dhanka kale hadda wado howlgalkii lagu soo afmeeri lahaa Khawaarijta arxanka daran.

Xafiiska Muqdisho

Shabakadda GalmudugMirror

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here