Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay qaraarka Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ee ka dhanka ah Islaam Nacaybka.
Qoraal ay faafisay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay soo dhoweyneyso go’aanka Gollaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ku ansixiyey qaraarka oggolaanaya La-Dagaalanka Islaam Nacaybka, iyo magacaabista ergay gaar ah oo Xoghayaha Guud ee Qaramad Midoobay u qaabilsan inuu ka shaqeeyo La-dagaalanka Islaam Nacaybka.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay tahay mid muhiim ah oo hoosta ka xarriiqaysa in dunida si wadajir ah ula dagaalanto nacaybka iyo cadaawadda ka dhanka ah bulshooyinka Islaamka.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay garawsan tahay doorka muhiimka ah ee ergaygaasi uu ka qaadan doono ilaalinta xuquuqda iyo sharafta mujtamaca Muslimiinta ah iyo horumarinta mabaadii’da sinnaanka iyo caddaaladda ee fagaarayaasha caalamka.
Gollaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii u codeeyey go’aankaas oo ay oggolaadeen 115 waddan oo ka mid ah Qaramada Midoobay halka ay ka aamuseen 44 xubnood, iyadoo aysan jirin cid kaoso horjeesatay.
Golaha Guud ee Qaramada Midiibay ayaa dhalleeceeyey hurinta faquuqa, cadaawadda ama gacan ka hadal ka dhan ah Muslimiinta sida laga arkay dhacdooyin meel looga dhacay laguna gubay kitraabka Qur’aanka kariimka ah, weerarrada masaajidda, nacaybka iyo ficillo kale.
Falalkaasi gurracan ee ka dhanka ah Muslimiinta iyo diinta Islaamkaba waxaa u dambeeyay weerar koox xagjir Hinduus ah ay ku qaadeen arday ajaanib ah oo wax ka barata gobolka Gujatar ee galbeedka dalka Hindiya xilli ardaydu ay ku jireen salaadda Taraawiixda ee bisha barakaysan ee Ramadaan.
Hindiya ayaa ah dal ku suntan dhacdooyinka la xiriira Islaam Nacaybka waxaana xukuumadda Narendra Modi lagu eedeeyaa inay gebi ahaanba ku fashilantay wax ka qabashada falalkaasi gurracan.
GalmudugMirror
Muqdisho, Soomaaliya