Dhageyso: Xildhibaannada diiday wax ka beddalka dastuurka

0
23

In ka badan 70 Xildhibaan oo ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka biyo-diiday wax ka bedelka qabyo qoraalka dastuurka KMG ah oo ay ku sheegeen in dadka iyo dalka lagu kala fogeynayo, iyaguna aysan qeyb ka ahaan doonin.

Xildhibaanada oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dastuurka laga bedelay 45 qodob, laguna soo kordhiyey 19 qodob oo aan ku jirin asalkii dastuurka, taasi oo ku sababeeyeen in la doonayo dastuur cusub ee aan la rabin waxkabedel,

Guddoonka baarlamaanka ayey sidoo kale ku eedeeyeen in uu ku guuldaraystay ilaalinta kala madaxbanaanida hay’adaha dowladda, waxayna baaq u direen madaxweynaha dowladda federaalka.

Go’aankii heshiiska golaha wadatashiga qaran ee May/2023 ayey sheegeen inaan loo dhamayn go’aankaasi, maadaama Puntland ay maqanayd, loona baahan yahay go’aanka golluhu inuu noqdo wadar-ogol.

Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad iyo Senator Gaagaab ayaa kamid ah mudanayaasha arrintaan ka hadlay.

HOOS KA DHAGEYSO CODKA DHAN:

GalmudugMirror

Muqdisho, Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here