Dhiillo colaadeed oo ka taagan duleedka Xarardheere
Dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa ka soconaya maanta duleedka magaalada Xarardheere oo shalay gallinkii dambe uu ka dhacay dagaal aad u qaraar oo soo gaaray illaa fiidkii xalay.
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa macawisleyda degaanka ayaa howlgallo amni ka wada degaanka Bacadka Faarax Aadan oo hoostaga magaalada Xarardheere.
Waxaa sidoo kale lagu soo warramayaa in meel aan sidaas uga fogayn degaankaasi ay isku hor-fadhiyaan ciidamada huwanta iyo kuwa kooxda Alshabaab.
Sida saraakiishu ay sheegeen waxaa goor walba la filan karaa dagaal inuu mar kale ka qarxo halkaasi, maadaama ciidamadu ay isku hor-fadhiyaan bannaanka magaalada.
Dagaalkii ka dhacay Bacadka Faarax Aadan oo Alshabaab jab xooggan loogu geystay, kaddib markii illaa afar jeer la isku soo rogaal celiyay.
Saraakiisha millateriga Soomaaliya ee horkacaysa dagaalka ayaa warsidaha GalmudugMirror, u xaqiijiyay in xubnaha Alshabaab ee ay ku sii baacsanayaan dhulka howdka ah ee degaankii lagu dagaallamay oo iminka ciidanka huwanta ah ay gacanta ku hayaan.
Koofurta gobolka Mudug ayaa waayadii dambe ahayd furin ciidan, waxaana dhiillo colaadeed oo hor leh maanta laga soo warinayaa degaanka Bacadka Faarax Aadan ee duleedka Xarardheere.
GalmudugMirror
Gaalkacyo, Galmudug