Dhismayaal lagu soo kordhinayo madaxtooyada Galmudug
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo dhagax dhigay Qaybo Cusub oo lagu soo siyaadinayo Madaxtooyada Dowlada Galmudug.
Madaxweyne kuxigeen Dowlada Galmudug Mudane Ali Dahir Eid ayaa manta dhagax dhigay Qaybo Cusub oo lagu so kordhinayo Madaxtoyada Dowlada Galmudug
Dhagaxdhiga ayaa waxaa kala qayb galay Madaxweynaha Wasiirada Dowlada Galmudug ka tirsan iyo Madaxa Hay,ada Direct Aid.
Qaybaha Cusub ayaa waxaa ka mid noqon doona Misaajid weyn oo halkii mar ay ku tukan karaan in ka badan 500 oo qof iyo Qaybo kale.
Galmudug ayaa waayadii dambe sameyneysay koboc dhanka dhismaha xarumaha dowladda ah.
Galmudugmirror
Dhuusamareeb, Galmudug