Dhuusamareeb Wasaaradda Amniga Galmudug oo daah-furtay kulanka wadatashiga ururada Bulshada Rayidka ah ee mashruuca Qiimeynta Khataraha Amniga Galmudug.

0
27

Dhuusamareeb Wasaaradda Amniga Galmudug oo daah-furtay kulanka wadatashiga ururada Bulshada Rayidka ah ee mashruuca Qiimeynta Khataraha Amniga Galmudug.

Si loo xoojiyo Nabadgalyada iyo wada jirka bulshada loona helo shuruucda  Tayada Amniga deegaanada Galmudug lana dhageysto bulshada qeybheeda kala duwan ayaa Agaasimaha guud ee Wasarada Amniga Abdulahi Bare uu daah-furay kulanka wadatashiga ururada Bulshada Rayidka ah oo ka qaybgaalayay mashruuca Qiimeynta Khataraha Amniga Galmudug.

Kulankaan ayaa waxaa diirada lagu saarayay doorka ay bulshada rayidka ku leeyihiin Amniga iyo qiimaynta Khataraha, qorshahaan qiimaynta Khataraha Galmudug ayaa waxaa si wada jir ah u fulinaya Wasarada iyo Xafiiska Amniga.

Xubnaha kasoo qaybgalay shirkaan ayaa waxay ka kala socdeen urudada hoos ku xusan.

1- Hoggan ururka Haweenka Galmudug .

2- Hogaan dhalinyarada Galmudug.

3- Hogaanka ururka Qareenada Galmudug.

4- Hay’adaha aan dawliga ahayn ee ka shaqeeya cilmi baarista.

5- Jaamacadaha ka shaqeeya deegaanka.

6-Ururka Suxufiyiinta Galmudug  iyo Culumu’diinka deegaabnka .

Kulankaan ayaa waxaa lagu dhageysanayaa aragtida dadweynaha isla markaana la xariira Amniga Galmudug si looga faaiideysto talada toosan ee bulshada Galmudug loona helo sharci amnio o dhowraya qofkasta madaama bulshadu ay intooda badan talo ku yeelanayaan sharciga Amniga iyo badqabka Galmudug.

Wasaaradda Aminga Galmudug iyo Xafiiska Amniga Galmudug oo iskaashanaya ayaa maal mahaan ku howlanaa kulamada dadweynaha Galmudug iyo dhageysiga  iyo tala bixinta dadweynaha Galmudug.

Dhamaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here