Dowlada Soomaaliya oo wada qorshe dib loogu bilaabayo howlgalada xoreynta dalka+ Xasan shiikh oo qaadaya talaabooyin..
Dowladda federaalka soomaliya ayaa mar kale qorshaynsa in dib boorka uga looga howlgaladda xorreynta dalka kuwaas oo muddooyinkii ugu danbeeyay gaabis galay.
Xogo ay heshay Galmudug Mirror ayaa sheegaya in madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu mar kale dib tuutaha u xiranayo ismarkaana uu qaadayo talaaboyo waa wayn oo wax looga badlayo howlagalada xorreynta.
Madaxweyne Xasan ayaa la filayaa inuu dhowaan mar kale uu saldhigto Magaalada Dhuusamareb ee caasimadda Galmudug Dowlad goboleedka Galmudug si uu mar kale uga hago wajiga 3aad dagaalka ka dhan ah ururka al shabaab waxaana safarkiisa imaanshiyaha Dhuusamareeb qayb ka noqonaya siyaasiyiin kasoo jeeda Galmudug uuna qayb ka yahay agaasimihi hore ee hay,aadda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad.
Geesta kale Dowladda federaalka soomaliya ayaa heegan buuxa Galisay Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa xoogaga macawisleyda degaanka ee ku sugan furimaha hore dagaalka ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud ee Galmudug waxaana lagu wargaliyay inay diyaar garooban dagaal al shabaab looga xorreyo degmooyinka iyo degaanada ay kaga harsanyihiin Galmudug.