Faahfaahin: Shir xasaasi ah oo ka furmay Garoowe
Shir xasaasi ah oo la sheegay in lagaga hadlayo masiirka siyaasadeed ee dalka ayaa Maanta oo Sabti ah ka furmay Caasimadda Puntland ee Garoowe, kaasoo ka qabsoomay aqalka madaxtooyada ee magaaladaasi.
Xukuumadda Puntland ayaa marti-gelisay shirkani waxaana ka qayb-galay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa shirkani ka qeyb galay dhanka Puntland Madaxweyne Siciid Deni ku weheliyay Madaxweyne ku xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor, Guddoomiyaha Baarlamanka Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad Maxamed Baari, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.
Qoraal kooban oo soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Shirka looga hadlayo marxladda uu dalku marayo “Madaxtooyada Dowlada Puntland waxaa maanta ka furmay Shir looga hadlayo marxladda uu dalku marayo” ayaa lagu yiri Qoraalka.
Warar madax-bannaan ayaase sheegaya in Qodobka ugu muhiimsan ee Shirka Garoowe uu yahay Arrimaha Khilaafka Siyaasadeed ee ka taagan sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya u waddo Hannaanka Wax-ka beddelka Dastuurka KMG ah ee dalka.
GalmudugMirror
Garoowe, Puntland