Faahfaahinta: Dagaal dib u qarxay gobolka Galgaduud
Warar kala duwan ayaa caawa ka soo baxaya dagaal beeleed maanta ka dhacay qeybo kamid ah gobolkani Galgaduud.
Dagaalka oo u dhaxeeya malleeshiyooyin kala taabacsan magaalooyinka Xeraalle iyo Caabudwaaq ayaa ka dhacay degaanno miyiga labada magaalo kala qeybiya.
Il wareedyo muhiim ah ayaa shabakadda GalmudugMirror u xaqiijiyay in dhowr jiho uu dagaalka ka dhacay, islamarkaana uu yimid kaddib markii ay duullaan soo qaadeen malleeshiyaadka ka soo jeeda Caabudwaaq.
Inta la xaqiijiyay 17 ruux ayaa ku geeriyootay halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 30 qof kuwaasoo ah labada dhinac ee dagaallamayay.
Dhaawacyada labada malleeshiyo beeleed ayaa loo kala daabulayay Xeraalle iyo Caabudwaaq iyadoo Isbitaallada qaar ay dadweynaha ka dalbanayay in ay ku deeqaan dhiiggooda si loo badbaadiyo dhaawacyada qaar oo halis ah.
Xaaladda ayaa caawa ah mid yara deggan, waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas teel-teel ah inkastoo maanta dagaalku dhowr jeer la isu soo laablaabtay dhowr jihana ka kala dhacay.
Xukuumadda Galmudug, maamulka gobolka Galgaduud iyo laamaha ammaanka wali kama aynaan hadlin colaaddani dib uga soo cusboonaatay beelaha ka soo kala jeeda degmooyinka Caabudwaaq iyo Xeraalle.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa horey heshiis u dhex dhigay labadan beelood, iyadoo heshiiskaasi uu u muuqdo mid buray maadaama dagaalka uu dib u qarxay.
Wixii ka soo kordha dib kala soco halkaan.
Dhuusamareeb, Galmudug
Shabakadda GalmudugMirror