Fiqi oo eedeymo culus u jeediyay Shariif & Farmaajo
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ee xukuumadda Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa si adag uga hadlay arrinta wax ka beddalka dastuurka KMG ah ee dalka u degsan.
Wasiir Fiqi oo ka hadlayay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayuu afka ku ballaariyay in ay muhiim tahay in la dhammaystiro Dastuurka.
“In dhammaystirka dastuurka buuq lagu furo wax suurta-gal ah maahan” ayuu yiri wasiir Fiqi.
Waxaa uu soo hadal qaaday madaxweynihii hore Shariif Axmed oo uu ku eedeeyay in xilligiisii uu gabay shaqooyin qaran oo dadka Soomaaliyeed muhiim u ahaa, islamarkaana haddii uu jiro qalad ka dhacay arrinta dastuurka uu xilligaasi dhacay.
Wasiir Axmed Fiqi ayaa kula taliyay labada madaxweyne ee hore Farmaajo iyo Shariif in aysan ka hor-imaanin wax ka beddalka dastuurka KMG ah.
“Dadka reer Muqdisho waa dad sabar badan, illaa caasimaddii shaki la geliyo dadka kale waa ay hadlayaan goorma ayay hadlayaan dadkaan oo ay madaxdooda ceshanayaan” ayuu raaciyay hadalkii Axmed Macallin Fiqi.
Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macallin Fiqi ayaa hadalkiisan uu ku soo aadayaa xilli madaxweyneyaashii hore Shariif Axmed iyo Maxamed Farmaajo ay meel adag iska taageen hannaanka wax ka beddalka dastuurka KMG ah.
Galmudugmirror
Muqdisho, Soomaaliya