Gaadiid iyo dad badan oo ku xaniban Puntland
Hay’adda waddooyinka Puntland ee magaceeda loo soo gaabiyo PHA ayaa hakad galisay isu-socodka gaadiidka xamuulka ah ee isticmaala laamiga isku xira gobollada dalka.
Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii ay roobabkii da’ay ay ka dhalatay saamayn la xiriirta isu socodka.
Hay’adda ayaa sheegtay in biyo xoogan ay marayaan inta u dhaxaysa Jinujiif ilaa buundada Midigar kuwaas oo laga cabsi qabo inay wax yeelo gaarsiyaan buundada Midigar.
Laga bilaabo 06-5-2024 ilaa 07-05 2024 ayaa hay’adu hakisay gaadiidka xamuulka ah, waxaana loo fasaxay kaliya gaadidka yaryar ee dadweynaha sida lagu sheegay war kasoo baxay hay’adda wadooyinka Puntland.
Hoos ka akhriso wargelinta kasoo baxday PHA.
GalmudugMirror
Garoowe, Puntland