Galmudug oo lagu qabtay wadatashiyo ku saabsan Dastuurka gaar ahaan cutubyada 5 ilaa 9Aad.
Hey’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka oo maalmahaan kulamo la tashi ah ka waday magaaloyinka Dhuusamareeb, Guriceel iyo Caabuudwaaq ayaa caawa Gaalkacyo ku qabtay shirka latashiga ururada bulshada Rayidka ah ee soojeedinta wax ka-beddelka cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka.
Ka qeyb galayaasha oo talooyin iyo soo jeedinno wax ku ool ah kusoo bandhigay kulanka ayaa hey’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuuka ku bogaadiyay dadaalka iyo dardar gelinta dadaallada dhammeystirka dastuurka iyagoona bogaadiyay in guud ahaan dalka lagu fidiyo aruurinta rayiga bulshada soomaaliyeed.
Mas’uuliyiinta hey’ada u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka oo uu ugu horreeyo wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, mudane Xasan Macallin oo uga mahad-celiyay ka qeyb galayaasha talada iyo aragtiyada wanaagsan ayaa ballan qaaday in deegaannada dalka oo dhan lagu qaban doono kulama nuucaan ah si cid kastaahi aragtida ay qabto ugu darto, waxeyna sidoo kale dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ku boorriyeen in talooyinka ay Online kusoo dhiibaan hadii ay fursad u heli waayaan kulamada bulshada lala yeelanayo.
Kulamada wadatashiga ee soojeedinta wax ka-beddelka cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka oo la qorsheeyay iney ka dhacaan dowlad gobaledyada dhan ayaa lagu bilaabay Galmudug, si bulshadu ay talooyinkooda ugu daraan shaqada socota.