Galmudug: Wariye lagu xukumay 3 bil oo xabsi ah
Maxkamada Degmada Guriceel ee gobolkani Galgaduud ayaa seddex bil oo xabsi ah ku xukun mid kamid ah wariyeyaasha ka howlgala degmadaasi.
Wariye Cabdishakuur Salaad Dhoorre oo kamid ah wariyeyaasha Guriceel ka howlgala ayaa dacwaddiisu ay soo jiitamaysay in muddo ah.
Xeer illaalinta degmada ayaa ku soo eedeysay wariyaha in uu faafiyay warar been abuur ah kuwaasoo aysan soo bandhigin.
Ma jirin maxkamadayn u dhacday si daah furan, waxaana xeer illaalinta sidoo kale wariye Cabdishakuur Dhoorre ay ku eedeysay in sameeyay kicin bulsho.
Dacwadda ayaa ugu dambeyn la soo gebagebeeyay, waxaana wariyaha ay maxkamadda Guriceel ku xukuntay seddex bil oo xabsi ah.
Ururrada u dhaqdhaqaaqa arrimaha saxaafadda iyo warbaahinta ka howlgasha Galmudug ayaa walaac ka muujinaya tallaabada maxkamadda Guriceel ay qaadday taasoo ay u arkaan xad-gudub iyo cabburin hor leh oo loo geysanayo saxaafadda madaxa-bannaan.
Waxaa sidoo kale maamulka degmada Guriceel lagu eedeynayaa inuu ku tagri-fal awoodeed u adeegsanayo warbaahinta xorta ah ee ka howlgasha gobolkani Galgaduud gaar ahaan midda degmadaasi.
GalmudugMirror
Dhuusamareeb, Galmudug