Guddoomiye Cabdi Xaashi oo dib ugu soo laabtay dalka
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib booqasho labo maalmood qaadatay oo uu magaalada Abuu Dubai.
Intii uu ku sugnaa halkaasi ayaa guddoomiyaha waxaa kulan miro-dhal ah uu kula soo qaatay Guddoomiyaha Golaha Midnimada Qaran ee Dowladda Imaaraatka Carabta.
Kulanka guddoomiye Cabdi Xaashi iyo dhiggiisa Guddoomiyaha Golaha Midnimada Qaran ee Dowladda Imaaraatka Carabta Mudane Saqar Gabaash ayay uga wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal gaar ahaan labada Baarlamaan ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga, qibrad wadaagga, tababarrada iyo is dhaafsiga waayo aragnimada.
Geesta kale, Guddoomiyaha oo socdaalkiisa ku soo maray magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, ayaa booqasho u kuurgal ah waxa uu ku tegay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, isagoo danjiraha safaaradda iyo howlwadeennada kula dardaarmay in ay si dhow oo waxtar leh ugu shaqeeyaan shacabka Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.
Muqdisho, Soomaaliya
Shabakadda GalmudugMirror