Ciidmada Badda ee dowladda Hindiya oo ku sugan meel ku dhow xeebaha Soomaaliya ayaa weerar ku qaadey markab bishii Diseembar ee sanadkii tegay 2023 la afduubtey kaas oo lagu magacaabo Ruen, kuna socday Alhamariyah oo ku taalla Imaaraaadka Carabta.
Markaba Ruen oo ahaa nooca xamuulka ayaa bishii Diseembar 2023 waxaa buracad badeedu ka afduubteen meel ku dhaw xeebaha Soomaaliya.
Warsaxaafadeed kooban oo ay soo saareen ciidamada Hidniya ayaa lagu sheegay in markabka Ruen oo uu ka babanaayey calanka Malta ay burcad badeedu u isticmaalayeen in ay ku soo qabsadaan maraakiibta kale, taas oo u fududeysey in ay gacanta ku dhigaan markabkaasi oo laga leeyahay waddanka Bangaladesh todobaadkii hore.
“Markabka waxaa qabtay markabka dagaal ee ciidamada badda Hindiya 15-kii March. Markabku wuxuu rasaas ku furay markabkayaga, kaas oo qaaday tallaabooyin waafaqsan shuruucda caalamiga ah, is-difaaca iyo ka hortagga burcad-badeedda, iyadoo la adeegsanayo awood yar oo lagama maarmaan u ah in laga takhaluso khatarta burcad-badeedda ee maraakiibta iyo badmaaxiinta,” ayuu yiri afhayeenku.
Ciidamada Hindiya ayaa gacanta ku dhigay 35 burcadbadeed ah kadib markii ay is dhiibeen iyo 17 shaqaaalaha Markabka Reun ah.
GalmudugMirror
Puntland, Soomaaliya