Horjooge iska dhiibay degaanka Xinlabi ee G. Mudug
Horjooge Ismaaciil Xasan Cali oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay ciidanka deegaanka Xinlabi ee Gobalka Mudug, kadib markii uu xiriir la soo sameeyay.
Ciidanka degaanka ayaa soo dhawayn kadib waxay Horjooge Ismaaciil ku wareejiyeen Ciidanka Hay’ada Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, qeybtooda Galmudug, si loo marsiiyo habraaca loo diyaariyay xubnaha isa soo dhiiba ee ka soo hara fikirka gurracan ee Khawaarijta.
Waxaa isa soo taraya xubnaha horay ugu tirsanaa Khawaarijta ee isu soo dhiibaya Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka markii ay adakaysan waayeen weerarrada xooggan eek aga imanaya Ciidamada.
Horjoogahani ayaa ugu baaqay saaxiibadiisii ay isku safka ahaayeen inay isaga soo baxaan Alshabaab, islamarkaana aysan sii eegan dhibaatada lagu hayo shacabkooda Soomaaliyeed.
Koonfurta gobolka Mudug waxaa wali ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Alshabaab kaasoo kooxda looga xorreeyay magaalooyinka waa weyn iyo degaanno istaraatiiji ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay tegay magaalada Xarardheere, isagoo sheegay in Galmudug ay dhowaan noqon doonto dowlad goboleedkii ugu horreeyay ee laga sifeeyo argagixisada Shabaab.
GalmudugMirror
Gaalkacyo, Galmudug