IMF oo soomaaliya ku taageereysa lacago hor leh..

0
80

IMF oo soomaaliya ku taageereysa lacago hor leh..

 Madaxda  hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa soo idleysay dib-u-eegistii 1-aad ee dhaqaalaha Soomaaliya, kadib hannaankii deyn-cafinta soomaaliya.

Guddiga sare ee IMF ayaa Soomaaliya u fasaxay, una ogolaaday in Soomaaliya si deg-deg ah loo siiyo lacag dhan dhan malaayiin  oo doolar, si ay ugu taageeraan siyaasadda dhaqaale ee Soomaaliya.

Go’aanka gaba-gabada ah ee guddigu soo saaray ayaa lagu fasaxay lacagtaan cusub oo taageero u ah horumarinta siyaasadda dhaqaalaha iyo qorsheyaasha dib-u-habaynta hanaanka  maaliyadda Soomaaliya.

Kadib, shirar isdaba joog ahaa oo ay wada qaateen madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa hay’adda IMF, kulamadaas oo soo socday tan iyo sanadkii 2023 dii markii ay dowladda Soomaaliya gaartay bar dhamaadka deyn cafinta, ayay hada si rami ah ugu dhawaaqeen gudda sare ee IMF “in dowladda Soomaaliya ay ku socoto dhabbaha saxda ah ee horumarinta dhaqaalaha Dhaqaalaha dalka soomaaliaya.”

Hay’adda IMF ayaa saadaalin wanaagsan ka bixisay hiigsiga 2024-ka halka lafilayo in uu gaaro dhaqaala Soomaaliya (GDB) oo ah 3.7 boqolkiiba, marka loo eego halkii uu taagnaa sanadkii tagay ee 2023-ka oo uu ahaa 2.8. boqolkiiba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here