Itoobiya Oo Hubka Ka Dajisay Kismaayo iyo Dawladda Soomaaliya oo ka hadashay
Muqdisho (Galmudugmirror.com) – Dawladda Soomaaliya ayaa si daran u cambaareysay xad-gudubyada ay Itoobiya ka waddo gudaha Soomaaliya, iyadoo sheegtay in talaabooyinkaas ay halis gelinayaan amniga iyo xasiloonida dalka. Warka ka soo baxay maamulka dowladda ayaa tilmaamaya in Itoobiya ay ku kacday tallaabooyin ka hor imaanaya shuruucda caalamiga ah iyo madaxbanaanida Soomaaliya, iyadoo loo arkaayo in ay jiraan damac hor leh oo dhul-ballaarinin ah oo Itoobiya qorsheyneyso.
Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in Itoobiya si sharci-darro ah hub ugu soo gelisay deegaanno ka tirsan Puntland iyo Galmudug, halkaasoo maleeshiyo Soomaali ah lagu uruurinayo gudaha Itoobiya si loo carqaladeeyo amniga dalka. Warar xaqiijinaya ayaa muujinaya in shalay magaalada Kismaayo labo diyaarad oo hub wata ay ka soo degtay Itoobiya, taasoo ku lug leh xubno sarre oo ka tirsan maamulka Jubaland.
Waa mid lagaga walwalsan yahay in Itoobiya ay ka shaqeyneyso inay kala dhantaalido midnimada Soomaaliya, iyadoo sidoo kale lagu eedeeyay in ay dhisayaan maleeshiyo si ay u kiciyaan colaad. Dawladda Soomaaliya waxay uga digtay shaqsiyaadka ka qeyb qaadanaya shirqoolada ka dhan ah dawladnimada iyo madaxbanaanida dalka, iyadoo caddeysay in cawaaqib xun ay la kulmi doonaan cid kasta oo xad-gudubta sameeya.
Dowladdu waxay si cad u muujisay inay diyaar u tahay in ay difaacdo dalka, iyadoo xustay in ay ka shaqeynayso kor u qaadista amniga iyo xasiloonida Qaranka.
Ugu dambeyntii, Soomaaliya waxay qaaday talaabooyin looga jawaabayo xad-gudubyada Itoobiya, iyadoo markale beesha caalamka u dirtay dacwad ka dhan ah Itoobiya, taasoo muujinaysa go’aanka Soomaaliya ee la xiriira ilaalinta ahmiyadaha qaranka.
Warka wuxuu sii xoojinayaa jahawareerka siyaasadeed ee ka taagan gobolka, iyadoo Soomaalida ay sugi doonaan jawaab celinta caalamiga ah ee ku saabsan arrimahan khatarta ah.