Jadwalka doorashada Jubbaland oo la shaaciyay

0
18

Jadwalka doorashada Jubbaland oo la shaaciyay

Guddiga doorashada maamulka Jubbaland ayaa soo saaray jadwalka doorashada guddoonka Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo goorta la shaacinayo xubnaha baarlamaanka cusub ee Jubbaland.

Nuqulka ay heshay shabakadda wararka ee GalmudugMirror ayaa waxaa doorashada madaxtinimada Jubbaland lagu muddeeyay 25-ka bishan November ee 2024-ka.

Doorashada Madaxweynaha Jubbaland ayaa la qabanayaa 25-ka bishaan November, sida ku cad jadwalka caawa soo baxay.

18 ilaa 19 bishaan ayaa lasoo saarayaa liiska xildhibaanada la doortay ee baarlamaanka Jubbaland, sida uu shaaciyey guddiga doorashada Jubbaland.

20-ka bisha ayaa la shaaciyey in la qabanayo codsiyada musharaxiinta guddoonka baarlamaanka, iyadoo 21-ka bishaan la qorsheeyey inay khudbadahooda jeediyaan, isla markaana la gudagalo doorashada.

21-ka ilaa 23-ka ayaa la qorsheeyey in la qabto araajida Musharaxiinta Madaxweynaha, iyagoo khudbadahooda jeedin doona 24-ka bishaan.

Ugu dambeyntii 25-ka bishaan ayaa la qorsheeyey in la qabto doorashada Madaxweynaha Jubbaland, taasi oo ka dhigan in 9 cisho kadib la dooranayo Madaxweynaha Jubbaland ee 5-ta sano ee soo socota.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la aaminsan yahay in doorashadaan uu ka shaqeynayo sidii uu ugu soo laaban lahaa kursiga, waxaana taas ka dagaalamaysa dowladda federaalka.

Xiisad culus oo ka dhalatay doorashadaan ayaa ka dhextaagan madaxda dowladda federaalka iyo madaxweynaha Jubbaland, waxaana la saadaalin karin halka ay ku dambeyneyso xiisadda u dhaxeysa Villa Somalia iyo Jubbaland.

Shabakadda GalmudugMirror

Kismaayo, Jubbaland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here